Mareykanka Oo Masar Siinaya Diyaaradaha Dagaalka F-16 Kadib Ridistii Mursi…

Published on July 11, 2013 by   ·   No Comments

Washington, July 11, 2013, (Xidigtaoctober.com): Wakaaladda wararka ee Routers ayaa kasoo xigatay saraakiil milateri oo Mareykan ah in dalka Mareykanku dalka Masar u dirayo 4 diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, xilli dhawaan ciidamada dalkaas tuureen madaxweynihii sida sharciga ah loo doortay ee Dr. Max’ed Mursi, kana soo jeeday Ururuka Akhwaanul Muslimiin.

 

4-ta diyaaradood ee Mareykanku siinayo dalka Masar ayaa ah nuuca dagaalka ee loo yaaqno F-16, kuwaasoo sameeya duulimaad dheer, islamarkaana tuura gentaalo culus.

Mareykanka ayaa ka gaabsaday inuu go’aan rasmi ah ka qaato riditaankii madaxweyne Mursi, isagoo sheegay inuu darsayo mowqifka iyo sida wax u dhaceen.

Haddii Mareykanku u aqoonsan lahaa afgenbi tala ka tuuristii Dr. Mursi, waxaa sida sharciga Mareykanku qabo Masar laga joojin lahaa kaalmo sanad kasta la siiyo oo gaareysa $1.5 Bilyan dollar.

Sarkaal Mareynkan aha ayaa Routers u sheegay in laga yaabo in 4-taas diyaaradood Masar loo gacan geliyo bisha August ee soo socota.

Masar ayaa ka mid ah dowladaha taageerada milateri ee ugu weyn ka hela Mareykanka kadib markii ay heshiis nabadeed la gashay Israel sanadkii 1979.

Sidoo kale, Masar ayaa ah dowladdii ugu horreysay ee carbeed ee iibsata diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F-16.

Diyaaradaha 4-ta ahaa ayaa qeyb ka ah heshiis horay u dhexmaray Masar iyo Mareykanka, oo 20 diyaaradood la siinayo Masar.

Readers Comments (0)